Ku saabsan cilmi-baarista

Carruurnimada “ka duwan”, yacnii ka leexsan habkii caadiga ahaa, oo bulshada darafyada ka ah, ayaa loo arkaa inay yihiin kuwo aan caadi ahayn oo dhibaato ah sida fahamka guud ahaan. Si kastaba ha ahaatee, carruurta laga hadlayo, nolol maalmeedkooda waxay u dhistaa caruurnimo la fahmi karo oo caadi ah.
Cilmi-baadhistan waxa aan ku soo saaray aqoon la xidhiidha koox la haybsooco; carruur da'doodu ka yar tahay da'dii dugsiga ee ku nool xarunta qaabilaada. Carruurtan iyo qoysaskooda ayaa magangelyo doon ah, ama waxay heleen ilaalin ku meel gaar ah.

Aasaaska

Tirada carruurta ku nool xarumaha qaabilaada iyo waqtiga ay ku qaataan ayaa kor u kacay qarnigan 21-aad. Carruurta iyo qoysaskooda magangelyo-doone ahaan u imanaya waxa la geeyaa xarumaha qaabilaada ama hoy gaar ah si ay u sugaan go’aanka adeegga socdaalka ee codsiga magangelyo-doonka.

Hawlaha magangalyada ee Xafiisyada Socdaalka waxa ay galeen mashquul sannadihii 2015-2017, cawaaqib xumadaasina way muuqdaan weli: Go’aannada degdega ah ayaa dib loogu celiyay Xafiiska Socdaalka si dib loogu baadho iyada oo loo marayo Maxkamadda Maamulka iyo Maxkamadda Sare, qaarkood dhowr jeer.

Magangelyo-doonka tani waxay uga dhigan tahay marxalad qirin-qiir ah oo dhowr sano ah. Waqtiyada sugitaanku waxay noqdeen qaar aad u dheer oo carruurta qaarkood waxay ku qaateen carruurnimadooda hore xarumaha qaabilaada ee Finland.

Sababo la xiriira dagaalka uu Ruushku bilaabay 2022 ee ka dhanka ah Ukraine, suurtagalnimada ilaalinta ku meel gaadhka ah ayaa loo sameeyay dadka reer Ukraine ee ka tagay guryahooda oo magangalyo raadsaday. Ilaalinta ku meel gaadhka ah macneheedu waa helitaanka ogolaanshaha joogitaan ee hal sano ee Finland.

Taas macneheedu waxa weeye in hadda ay jiraan dad ku sugan xarumaha qaabilaada ee Finland, kuwaas oo qaarkood hore ugu noolaayeen in ka badan 7 sano, iyo sidoo kale dad yimid sannadihii 2022 iyo 2023.

Yoolasha cilmi-baaristan

Cilmi baaristan waxaan ku soo saari doonaa macluumaadka aaga cilmi baarista caruurnimada ee deegaan ka talawsan, anigoo ka faa’iideysanaya habka cilmi baarista qowmiyadeed, hababka shaqada ee ku jihaysan farshaxanka iyo akhrinta agabka cusub ee walxaha la soo saaray.

Si kale haddii loo dhigo, waxaan baaritaan ku sameynayaa carruurta xiriirka la leh meelo badan oo kala duwan oo juquraafiyadeed. Waxaan soo saaraa aqoonta anigoo wakhti la qaata carruurta, u kuur gala nolol maalmeedkooda, la sheekaysta dadka ku jira noloshooda, iyo fulinta dhacdooyinka fanka ku jihaysan.

Waxaan weydiinayaa su’aalo ay ka mid yihiin

  •  waa maxay macnaha xaalada hubanti la’aanta ah ee ay keentay habka magangalyada ama dagaalka deegaankaagi ka socda ay u keenayaan hawl maalmeedka carruurta?
  • waa maxay nooca carruurnimada ee meelaha iyo goobaha, alaabta iyo xeerarka xarunta qaabilaada ay sameynayaan- iyo maxay carruurta laftoodu tabayaan oo ay rabaan helitaanka agabka?
  • sidee mawduucyada waqtiga socda, sugitaanka, iyo qorshaynta uga dhex muuqdaan nolosha carruurta?

Aqoonta ay soo saartay cilmi-baaristan, waxaa suurtagal ah in la tixgeliyo aragtida carruurta ee go’aan qaadashada ee ku saabsan nolol maalmeedkooda.

Saamaynta

Cilmi-baadhistaydu waxay siisaa bulshooyinka iyo dadweynaha fursad lagu dhagaysto waayaha carruurta ee waxa ay tahay in ay carruurnimadooda ku qaataan gudaha xarunta qaabilaada. Iyada oo la kaashanayo macluumaadkan, mas’uuliyiinta iyo kuwa kaleba labadaba waxay horumarin karaan waxqabadkooda dhanka tixgelinta baahida carruurta iyo xaaladaha.

Xogta la soo saaray, waxaa suurtogal ah in wax laga beddelo hab-dhaqannada taageera korriinka iyo horumarinta carruurta si loo wada dhan yahay, si dhammaan carruurta ku nool Finland ay u dareemaan inay ka tirsan yihiin bulshada maxalliga ah iyo kuwa waddaniga ah oo ay dareemaan in la maqlay iyo inay heystaan fursado ay ku saameeyaan nolol maalmeedkooda.

Mustaqbalka, soo saarista macluumaadka la xidhiidha socdaalka waxa ay noqon doontaa oo kaliya muhiim si looga hortago kala fogaanshaha iyo in la horumariyo dhaqamada ixtiraamaya dadka iyo xuquuqdooda.

 

Maalgelin

Cilmi-baaristayda waxaa maalgeliyay

Oskar Öflunds Stiftelse sr – 5 000€

Koneen Säätiö – 136 400€